Soomaaliya: Yaa ka masuul ah dhalinyarada tahriibeysa?

Tan iyo markii uu dagaalkii sokeeye ka qarxay Soomaaliya, dalka waxa uu galay nidaam darro jirtay muddo ka badan labaatan sano. Maadaama uu dagaalkii sokeeye sii dheeraaday, kumannaan qof ayaa ka carartay dalka si ay naftooda u badbaadiyaan. Kuwa dalka ka qaxay waxa kamid ahaa dhalinyaro isugu jiray rag iyo dumar.

Tan iyo bilowgii dagaalladaas, dalka waxa uu soo maray xaalado kala duwan oo qalalaase iyo nidaam darro ah. Wajiyada colaadaha waa ay is beddelayeen xaaladba xaaladda kadanbeysa. Tusaale ahaan, intii u dhexeysay 1991 ilaa 1994, hogaamiye kooxeedyadii ayaa dhexboodayay inta badan colaadaha, kadib waxa soo baxay taageerayaashii Maxaakiimtii Islaamka. Sidaas si lamid ah isbeddelka colaadaha waxa ay soo mareen xaalado dowlado kumeelgaar iyo dowlad rasmi ah oo aan kumeelgaar ahayn. Dalka waa uu kasoo kabanayay colaado ragaadiyay oo waxa la helayay iskuullo iyo jaamacado arday badan ayaana rajadooda waxbarasho sii kordheysay. Balse hal arrin lama aanan xallin: shaqasiinta dhalinyarada. Shaqa u abuurista dhalinyarada waxa ay aasaas u tahay nabadda iyo ammaanka waddan kasta waana mid kamid ah arrimaha siyaasadeed ee ka joojin kara dhalinyarada in ay tahriibaan naftoodana khatar geliyaan.

Tirakoobka ayaa sheegaya tirada dhalinyarada ku geeriyootay badda iyaga oo ku tahriibaya doomo yaryar oo aad leysaga buuxiyay in ay aad u badanyihiin. Kumannaan da’yar ah oo isugu jira rag iyo dumar  ayaa sidoo kale u tahriibay waddamada deriska ah halkaas oo ay kala kulmeen geeri iyo duruufo nololeed oo aad u adag.

Si loo yareeyo tirada aadka u badan ee tahriibka ku dhimaneysa, dad badan waxa ay rajeynayeen kadib doorashadii dowladdii ugu horeysay ee aan kumeelgaarka ahayn in ay yaraan doonto tirada dhalinyarada tahriibeysa. Nasiib darro, dowladda ma aanay la iman siyaasad iyo barnaamijyo cad-cad oo quseeysa dhalinyarada shaqana uma aanay abuurin. Haddii shaqo loo abuuri lahaa, waxa ay yareyn lahayd tahriibka dhalinyarada.

Isla sababtaas iyaga oo ka duulaya, ayaa waxa aad u kordhay dhalinyarada u tahriibeysa yurub dhawaanahan. Dhabaha ay u marayaan yurub waa saxaraha dhibka badan ee Libiya iyo badda Mediterranean. Si aan wax badan uga ogaado tahriibka dhalinyarada maalmahan socda, waxa aan la kulmay qaar kamid ah dhalinyaro isku diyaarinayay in ay galaan safarkan khatarta badan. Mid kamid aha ayaa waxa uu igu yiri, “shaqo la’aanta baahsan ee kajirta dalka awgeed, waxa aan qatar gelineynaa nafteenna si aan u helno nolol ka fiican tan aan ku noolnahay”. Waa uu sii hadlay oo uu yiri, “waxa aan u baahannahay shaqo si aan u guursanno, mustaqbal fiicanna u hiigsanno balse ma sii joogi karno waddan dhalinyaradii jaamacadaha dhameeyay aanay shaqo heysan”.

Dhalinyarada aan la hadlay waxa ay ku celceliyeen baahsanaanta qabiil jecleysiga Dawladda Soomaaliya oo shaqaalaha lagu xusho hab beeleed. “Wax macna ah ma sameyneyso haddii aad tahay qof awood, aqoon, iyo khibradba u leh  shaqo dawladda ka bannaan, qaraabo kiil ayaa shaqeynaya”. Saaxiib aad ugu dhaw dawladda oo ila hadlay ayaa ii sheegay.

Inkastoo ay jirto dhalinyaro aad u tira badan oo jaamacadaha dhameeyay haddana aan shaqo heysanin, ma jirto siyaasad dhalinyaro ee shaqeyneysa una abuureysa dhalinyarada fursado shaqo. Su’aasha waxa ay tahay, maxay ka qabatay Dawladda Federaalka Soomaaliya yareynta shaqo la’aanta? Waxa la yaab leh hal hay’ad oo ay Turkey leedahay ayaa 450 dhalinyaro oo ka kala yimid koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku tababartay xirfadaha waxbeerashada. Sidoo kale waxa ay siiyeen qalabkii  lagamamaarmaanka ahaa si ay ugu shaqeystaan xirfadihii la baray. Maadaama dhalinyaradaas la caawiyay, kama tagi doonaan dalkooda. Caawinaadda iyo tababarkaas la siiyay ayaana keenay in ay dareemaan in la siiyay awood ay ku shaqeystaan.

Tiraboob la sameeyay ayaa sheegaya in 70% Soomaalida ay da’dooda ka yartahay 30 sano. Sidaas cagsideeda Dawladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku guuldareysatay in ay garawsato awoodda dhalinyarada. Horumarka fog ee waddan kasta waxa lagu qiimeeyaa sida dhalinyaradiisa loo maalgeliyo. Haddii jiilkeenna da’da yar ay sii wadaan in ay tahriibaan, tani macnaheeda waxa waaye mustaqbalka waddanka in uu dhibaatooyin wajahi doono.

Ugu danbeyn, Soomaalida waa in ay u istaagtaa maalgashiga dhalinyarada iyaga oo waxbaraya, islamarkaana u abuuraya fursado shaqo. Dhalinyarada waxa ay dhadhamiyeen qaraarka sharci la’aanta, dagaallada, iyo xaaladihii adkaa ee ka dhashay. Dawladda waa in ay siisaa shaqo dhalinyarada haddii ay leeyihiin aqoontii iyo xirfaddii looga baahnaa shaqadaas iyaga oo aan heybtooda lagu kala soocin. Dhalinyarada maanta waa hogaanka berrito.

Mahad Wasuge

Mahad.wasuge@gmail.com

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *