Xusuusteydii Macallin Cabdiraxmaan

Cabdiraxmaan Waare oo aan isku dugsi ahayn ayaa isoo wacay xilli galab ah taariikhdu markii ay ahayd 14-kii Maarso 2019 waxana uu ii sheegay in uu Macallin Cabdiraxmaan daqiiqado kahor ku geeriyooday Buulaburte. Hooyo iyo walaalkeey ayaa wax yar kadib isoo wacay si ay iyagana iigu sheegan geerida macallinkeennii.

Macallin Cabdiraxmaan Muxumad Cali sanado ayuu xanuunsanayay laakiin xaaladdiisa caafimaad waxa ay sii xumaatay bilihii ugu dambeeyay. Sanadkii 2018, dhaqaatiir joogto Muqdishu ayaa baaritaan kadib ogaaday in uu qabo kansarka beerka oo weliba kufaafay qeybo kamid ah jirkiisa. Dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in aanay waxba ka qaban karin xaaladdiisa.

Waxa uu ahaa qof iimaan leh. Ma aanu argagixin, waxana dhowr bilood daawo dhireed lagula tacaalayay Muqdisho. Xaaladdiisa caafimaad way soo hagaagtay, waxana uu u muuqday in uu caafimaad qabo. Buulaburte ayuu u safray si uu wakhtiga u dhiman ula qaato reerkiisa.

Markii aan wacay taleefoonkiisa bishii lasoo dhaafay si aan xaaladdiisa uga wareysto, xaaskiisa ayaa taleefoonka iga qabatay, waxana ay ii sheegtay in Macallin Cabdiraxmaan aanu ila hadli karin. Markaas ayaan ogaaday in macallinkeyga Qur’aanka uu xaalad adag ku jiro.

Macallin Cabdiraxmaan waxa uu ahaa qof aad u qiimo badan, waxana uu noloshiisa oo dhan Qur’aanka barayay da’ yarta. Markii aan ku biiray Madarasadiisa bilowgii sanadkii 2000, waxa aan noqonnay saaxiibbo. Qur’aanka waxa aan ku dhameeyay sanad iyo bar. Uma baahneyn in aan soo naqtiimiyo maadaama aan Qur’aanka oo dhan xifdisanaa. Macallin Cabdiraxmaan ayaa mahaddaas iska leh oo dadaalkiisa dheeraadka ahaa, dhiirrigelintiisa iyo jiheyntiisa noo sahashay in aan wakhti kooban ku xifdinno Qur’aanka Kariimka ah.

Waxa uu ahaa mid kamid ah dadkii ugu qiimaha badnaa ee aan abid barto. Waxa uu ahaa qof I dhiirrigeliya. Kahor inta aanan dhameyin Qur’anka, waxaa jirtay munaasabad dad intooda badan ka yimid tuulada Jameeco oo u dhaw Buuaburte ay isugu yimaadeen, labo koox isku qeybiyeen subacna bilaabeen. Kooxda koowaad waxa ay ka bilaabeen Suratul Al Baqrah, kooxda kalana Suratul Al-Kahf. Masaajidka Madarasada ayaan aaday galabtaas si aan subaca uga qeyb galo. Maadaama aanan dhameynin Qur’aanka, kooxda labaad ayaan ku biiray. Macallin Cabdiraxmaan waxa uu ku jiray kooxda koowaad. Ma aanu ogeyn in aan joogo. Subacii markii uu dhamaaday ayuu I arkay xilligii salaadda Maqrib. Wuu rumeysan waayay in aan joogay. Aad buu ugu farxay waxana uu isugu yeeray dhammaan dadkii subacaas kasoo qeyb galay waxana uu ii weydiiyay in ay Suratul Faatixa ii akhriyaan. Waxa uu aad ugu farxay in ardaygiisa uu munaasabad noocaasi ah kasoo qeyb galo.

Macallinkeyga waxa uu ahaa qof cadaalad badan oo aanan dadka u kala eexan. Ficilladiisa ayaana caddeyn u ahaa. Kutubo Qur’aan ayaa mar dugsiga loogu deeqay. Galab ayuu u qeybiyay dhowr kutub ardayda ugu fiican dugsiga. Aniga galabtaas ma aanan joogin, laakiin waxa uu u maleeyay in uu mid I siiyay. Waxaa jirtay fursad labaad oo kutubo lagu siinayay ardayda ugu khaladka yaraado tartan subac oo la qabtay. Hal kutub ayaan ku guuleystay, waxana uu igu yiri waa kutubkaagii labaad sow ma aha? Markii aan u wargeliyay in uu yahay midkeygii koowaad, waxa uu ii sheegay in uu u maleeyay in uu horey kutub ii siiyay.

Waxa aan sidoo kale ku wehlin jiray subac-soonka, oo ah subac toddobo qoys min hal jallaad isbuucii gurigooda lagusoo subciyo xilliyada galabta. Waxa uu sidoo kale igu dari jiray koox xertiisa kamid ah oo raaci jirtay marka Qur’aan akhris loo sameynaayo qoysaska soo codsada. Waxa ay ahayd fursad aan badneyn balse aan aad u jeclaan jirnay oo waxaa nala siin jiray cunto fiican iyo xoogaa lacag ah (10,000 ilaa 20,000 Shilin Soomaali ah) marka aan dhameyno Qur’aan akhriska. Xulashada ardayda u raaci jirtay munaasabadahan waxa uu ku saleyn jiray tayada ardayda.

Macallin Cabdiraxmaan kaalintiisa kuma ekeyn Madarasada oo kaliya. Markii uu Sheikh Cumar yimid si uu Naxwe, Axaadiis iyo Fiqi uga bilaabo magaalada, waxa uu Macallin Cabdiraxmaan guriga ugu tagay hooyo kana codsaday in aan Sheikha ka faa’ideysto. Hooyo way soo dhaweysay, anigana waxa aan Naxwe, Axaadiis iyo Fiqi ka baranayay Sheikh Cumar muddo labo sano ah. Waxa ay ii ahayd fursad aad qaali u ah, mana ii suura gasheen haddii aanu Macallin Cabdiraxmaan ahaan lahayn.

Sanadkii 2005, haweeneey Kuwaiti ah ayaa maalgelisay dhismaha madarasada iyo masjidka. Madarasa weyn iyo masaajid ayaa naloo dhisay. Xafladdii furitaanka waxa uu Macallin Cabdiraxmaan ii diray in aan khudbad carabi ku bexeyso soo diyaariyo. Markii aan jeediyay khudbadeydii oo ka hadleysay xaqa deriska isku leeyahay, waxa uu iga codsaday in aan khudbo Jimcada ka akhriyo masaajidka cusub. Nasiib darro waan ka cudur dartay maadaama aan isku diyaarinayay in aan dugsi sare u aado Beledweyne.

Inkastoo aan ka tagay Buulaburte bartamihii sanadkii 2006, waxa aan soo booqan jiray dugsiga iyo macallinka marka aan fasaxyada ku imaado magaalada. Ardayda Madarasada waxa ay lahaayeen darees isku mid ah, waxana uu dhihi jiray ardayda baraneyso Qur’aanka Kariimka waa in ay nafiif ahaadaan. Waxa uu diiddanaa in ardayda u lebistaan iskuulka laakiin dhar wasakh ah usoo xertaan madarasada Qur’aanka, waana arrin weli ku baahsan Soomaaliya.

Waxa uu ahaa gabyaa, laakiin dad badan uma aanu sheegin. Mar ayuu ii tiriyay tix gabay ah ee uu ku curiyay Af Carabi markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya dhammaadkii sanadkii 2006. Gabayga waxa uu ku habaarayay ciidamada Itoobiya. Waxa uu igu yiri erayadan waxa ay igasoo maaxdeen kadib markii aan dareemay culeyskii markaas jiray.

Markii ay xaaskeyga foolaneysay saddex sano kahor, waan wacay waxana ka codsaday in uu noosoo duceeyo maadaama aan filaneyno dhalashada curadkeenna. Qur’aan akhriskii uu billaabay habeenkaas ma aanu joojinnin ilaa uu wiil noo dhasho waaberigii.

Macallin Cabdiraxmaan waxa uu soo saaray kumannaan arday oo Qur’aanka xifdisan. Ardaydiisa waxa ay madarasado ka furteen magaalooyin badan oo Soomaaliya ku yaalla si ay Qur’aanka u baraan jiilka yaryar. Caruurtiisa ayaa macallimiin ka ah Madarasadii uu isaga ka aasaasay Buulaburte. Wuu naga tagay isaga, laakiin dhaxalkiisa ayaa nala joogi doono.

Buulaburte iyo dadkeedaba way xusuusnaan doonaan kaalintii Macallin Cabdiraxmaan. Ma aanu helin maamuus qaran, laakiin dhab ahaantii waxa uu helay ducada kumannaan qofood oo kamid ah ardaydiisii, waalidiin, saaxiibbo iyo dad yaqaannay ee dunida daafaheeda ku kala nool. Weligeen waan ku xusuusnaan doonnaa. Allaah ha kugu abaalmariyo Jannatul Firdowsa Al-Aclaa. Aameen.

Mahad Waasuge

0 replies

Leave a Reply

Want to join the discussion?
Feel free to contribute!

Leave a Reply

Your email address will not be published.