
Dhanka Islaamka, guurku waa heshiis udhexeya nin iyo waliga haweeneyda, kaas oo uguuriya haweeneyda marka ay u wakiilato. Caruuska waa in uu ku waafaqaa haweeneyda inta ay sheegato in lagu mehriyo. Meherka sidaas u dhaca waxa loo yaqaanaa meher diiniyan ansax ah, waxana ka dhalanaaya xuquuq iyo waajibaad ay isku yeelanayaan labada lamaane ee is guursatay. Marka la is mehersanaayana waa ugu yaraan in ay goobjoog ahaadaan labo qof oo marqaati ah.
Tani waxa ay dhacdaa inta badan subaxnimada maalinta arooska uu dhacaayo iyada oo aanay jirin cid su’aal ka keenta ama diidda in sida waafaqsan shareecada Islaamka uu u dhoco Nikaaxa. Qof waliba waxa uu aaminsanyahay in dariiqan oo kali ah la isku guursan karo. Xitaa kuwa aanan baranin kuna dhaqmin diinta Islaamka wey aaminsanyihiin.
Waxa dhaca kadib nikaaxaas sharciga ah ayaa aad iiga yaabiyay. Halkan Muqdisho, waxa jira wax la yiraahdo JAM. Waa eray ku macna ah ‘Dance’ u fasirmaayo. Koox dhalinyaro ah oo xirfadoodu tahay dheeshaas ayaa isla dheela meel dad fara badan oo daawanaaya ay soo hareereeyeen. Waa in la shidaa music si aad ah loo dheereeyay oo lala dheelaa. Waa kooxo nidaamsan oo lasoo kireeysto maalinta xafladda guurka ay dheceyso nikaaxa kadib.
Waa kooxo nidaamsan oo ka jira dego kasta ee gobolka Banaadir. Waxa ay leeyiin sifooyin lagu garan karo. Wiilasha waxa ay ka xertaan saraawiisha meel aad u hooseeysa waxana ayna ku jiidaan saraawiisha dhulka. Timaha waa ay deestaan. Tusbax ayaa qoorta ugu jira – tusbaxa waxa la ii sheegay in uu u yahay booskii katiinadda ay xertaan raar galbeedka dheela ciyaarta ay dheelaan kuwa lamid ah.
Waa ay is aaminaan, tusaale haddii wiil iyo gabar ay isku bartaan aroos waxa ay kala qaadanayaan numberada teleefanadda, haddii uu jiro Jam kale oo uu wiilka woco gabadha waa ay ka aqbalee si fudud, waa ay u imaanee , waana ay la dheelee marka la galo goobta sidii dad muddo is yaqaanay oo kale ayeey u dhaqmayaan.
Jaam in la dheelo xaflad aroos waxa ay ka imaan kartaa meelo kala duwan. Lamaanaha is guursanaaya ayaaba ku heshiin kara, ama mid kamid ah ayaa ka codsan kara midka kale in la ciyaaro. Laakiin midda aan la yaabay oo la ii sheegay ayaa ah in haddii labada qof ee is guursanaaya ay necebyihiin iskuna waafaqaa in aanan arooskooda laga ciyaarin Jam, mid kamid ah qaraabada ama saaxiibadooda ayaa qasbaaya in la dheelo. Haddii qarashka aanay awoodin xitaa waxa bixinaaya, cidda dalbatay, marka waxa ay noqoneeysaa mid aad ku qasbanaaneyso in aad aqbashid xitaa hadii aad necebtahay maadaama dad kale oo saameeyn leh labada reer ee guurku wada dhexmaraya midkood uu qasbaayo.
Waxa la yaabka leh waxa waaye dadkii wax bartay oo jaamacadihii ka qalin jibiyay ayaa laga ciyaaraa aroosyadooda marka ay guursanayaan. Tani waxa ay leedahay saameeyn fara badan. Tan ugu daran laakiin oo aan ka sheegi karno waxa waaye in ay kordhineyso gabdhaha dalbanaayo in aroosyadooda laga dheelo Jam sababtoo ah kuwii jaamiciyiinta ahaa ayaaba loo dheelaa.
Saameeynta Jaamka waxa ay aad uga fogtahay sida aan manta umaleeyneeyno. Waa dhaqan reer galbeed. Wax uu kasoo horjeedaa dhaqanka Islaamka iyo kan Soomaaliyeed. Waxa uu sababaa macsi iyo isutag sharci darro ah. Caruuta lagu dhalo aroos Jaam laga dheelay ma noqon doonaan kuwa fiican, ‘hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho’. Tobanaan sano kadib waxa aan arki doonnaa dhalinyaro yar yar oo caasiya waalidkood lana imaada ficillo xunxun oo bulshada dhibaato u abuura sababtoo ah qalad ay sameeyeen waalidiintooda.
Jaamka waxa uu hadda ku xadidanyahay dhowr gobol, laakiin haddii ficillo lagu koontoroolaayo aanan la sameeynin, waxa ay ku faafi doontaa gobollo kale ee Soomaaliy katirsan. Waxa aan soo jeedinaa dhowr hab oo lagu yareeyn karo dhibaatooyinka jaamka. Koow, waa in doowladda ay la imaataa siyaasad lagu xakameeynayo ficilladaas oo kale. Siyaasaddaas waxa ay noqon kartaa shuruuc ama wacyigelin dhanka warbaahinta ah iwm. Labo, odayaasha waa in ay qaataan doorkooda ayna ku qasbaan carruurtooda in aanan la dheelin Jam aroosyadooda. Ugu danbeeyn, hooyo kasta waa in ay isku daydaa in ay koontroosho caruurteeda in aanay dheelin islamarkaana daawanin Jam.. Tilaabooyinkan waxa ay ila tahay in ay xakameyn karaan dhibaatooyika ka dhalan kara Jam-ka.
Mahad Abdullahi
Mogadishu – Somalia
Is a researcher, teacher, podcaster and blogger. His work over the last decade has focused on teaching and researching governance, justice and social services in Somalia.