
Waxa aan bilaabay qoraalkan waqti aan dhageysanayay mid kamid ah heesaha Daahir Gacameey taas ee uu curiyay mar uu booqday Buulaburte. Heestan waxa uu fanaanka si qurux badan ugu qeexay quruxda dabiiciga ah ee magaalada.
Sheekada waxa ay ku bilaabatay sida soo socota. Maalin ayaan Google geliyay Buulaburte. Islamarkiiba sawirro iyo heeso tira badan ayaa iisoo muuqday. Kadib waxa aan ku dhuftay mid kamid ah heesaha kasoo muuqday xagga sare. Inkastoo aanan aad u dhageysanin heesaha, maalintaas waan daawaday heesta oo sawirro aad u xiiso badan oo magaalada iyo dadkii deganaaba ah ay la socdeen.
Marka lagasoo tago laxanka macaan ee heesta, sawirrada magaalada ayaa ahaa kuwo aad iisoo jiitay. Waxa kamid ahaa sawirradaas aan ku arkay heesta qaar kamid ah saaxiibbaday oo aan kubadda isla dheeli jirnay. Waxa aan sidoo kale arkay buundada taariiqiga ah ee la dhisay sanadkii 1937, masjidka caanka ah ee ku yaalla bartamaha magaalada iyo meelo kale oo aad u fara badan kuwaas oo maskaxdeyda dib u celiyay.
Markan ayay ahayd xilligii ay maskaxdeyda bilowday xusuusta maalmihii hore ee aadka u wacnaa. Qof waliba meesha uu ku dhasho kuna barbaaro waa mid si gaar ah u taabata. Buulaburte waxa aan ku noolaa tan iyo markii aan dhashay ilaa iyo intii aanan kasoo tagin sanado kahor si aan usii wato waxbarashadeysa.
Waan joojiyay qoraalka maqaalka waqti kooban sababtoo ah waxa aan dib u xusuusanayay maalmihii hore ee aan Buulaburte ku qaatay. Xitaa dhamaadka heesta kadib, waxa aan fadhiistay meel aniga oo aamusan maadaama ay sawirrada isoo xusuusiyeen saaxibbaday hore iyo kooxdaydii kubadda cagta. Buulaburte waxa ay soo saartay ciyaaryahannadii kubadda cagta ee ugu fiicnaa gobolka Hiiraan kahor iyo kadib dagaalkii sokeeye. Inkastoo aniga aanan kamid ahayn ciyaartoyda aad caanka u ahaa, waxa aan u dheeli jiray kooxda heerka labaad ee Bagabeeso oo xaafaddeyda ka dhisneyd oo aan weereryahan u ahaa. Nasiib darro kooxdaydii hadda waxa ay ku kala firirsantahay dunida, qaar aad u yar ayaa doortay in ay sii joogaan magaalada. Sidoo kale sawirka masjidka aad ayuu ii taabtay sababtoo ah waa meeshii aan ka bartay Tafsiirka Quraanka, Axaadiista Nabiga, Fiqiga iyo Naxwaha Carabiga. Intii aan xusuustaas ku jiray, sawirrada saaxiibbaday, ardadii fasalka ila dhigan jirtay, macallimiinteydii Quraanka iyo iskuulka Axmed Gureey ayaa i hor imaanayay.
Nasiib darro farxaddaas iyo xusuusta maalmihii hore ma sii waarin waqti badan. Maskaxdeyda waxa ay bilowday in ay ka fikirto xaalka magaalada ay ku sugantahay xilligan. Xaaladdayda waxa ay isku beddeshay murugo. Waxa aan bilaabay in aan dareemo xanuun. Wax badan ayaa is beddelay. Xaaladda hadda taagan aad ayay uga duwantahay muuqaalkii quruxda badnaa ee aan xusuusanayay. Inta badan saaxiibbaday magaalada waa ay ka tageen. Qaar badan waxa ay u tahriibeen Yurub iyaga oo usii maraya marinka qatarta badan ee Saxaraha Liibiya iyo Badda Mediterranean. Buulaburte waxa ay noqotay mid kamid ah magaalooyinka aadka looga tahriibay Soomaaliya iyadoo qiyaastii 95% dhalinaradii degmada ee da’dayda ahaa ay ka tageen magaalada.
Kadib sanado ay ka jirtay nabad iyo xasilooni, dadka magaalada kunool waxa ay dhadhamiyeen qaraarka amni darrada. Bishii Maarso, ciidanka Soomaaliya oo ay la socdaan xoogagga AMISOM ayaa galay magaalada waxa ayna ka saareen Al shabaab oo xilligaas maamulayay. Buulaburte waxa ay ahayd mid kamid ah meelaha ay ku xooganyihiin Al shabaab, waxa ayna kadib xireen dhammaan waddooyinkii ganacsiga u mari lahaa magaalada. Xayiraadda waxa ay keentay in ganacsigii magaalada oo dhan uu istaago. Ku dhawaad sanad iyo bar dadka deegaanka waa ay dhibaatoonayaan qiimihii badeecadana cirka ayuu isku shareeray, xaaladda qoysaskii nolosha hooseeyana waa ay kasii dartay.
Kadib in ka badan sanad oo ay la diristay dhibaatooyin xanuun badan, calaamad rajo ayaa soo bishaameysa. Qaar kamid ah saaxiibbaday ee ka tagay magaalada sanado kahor ayaa is abaabulaay si ay u caawiyaan qoysaska tabaaleysan. Markii ugu horeysay taariiqda degmada wiilal iyo gabdho Reer Buulaay ah ayaa ka shaqeynaya sidii ay ku afurin lahaayeen dadka tabaaleysan bisha foodda nagusoo heysa ee Ramadaanka. Tani waxa ay muujineysaa sida dhalinyaradii degmada ay masuuliyad iskaga saareen bulshada dhibaateysan. Waan u mahadcelineynaa dadaalkooda dheeraadka ah oo ay wax ku tarayaan dadkooda. Kaalmadooda waxa sawir dhab ah ay ka bixinayaa sida ay uga go’antahay in ay caawiyaan dadka degan Buulaburte. Si kasta oo uu xaalka u adagyahay, dadkii ayaa hadda bilaabay in ay iyaga dhexdooda is caawiyaan.
Qeyb kamid ah maalinteydii waxa ay ku dhamaatay dareen isku qasan maadaama aan soo xusuustay maalmihii wacnaa iyo xaaladda hadda kajirta degmada. Waxa aan rajeynayaa nabaddii in ay kusoo laaban doonto Buulaburte si aan fursad ugu helo in aan ku laabto islamarkaana la qaato waqti qoyskeyga iyo saaxiibbaday
Mahad Waasuge
Is a researcher, teacher, podcaster and blogger. His work over the last decade has focused on teaching and researching governance, justice and social services in Somalia.