Kadib dhammaadkii shirweyne saddex maalin ka socday magaalada Jabuuti, waxa aan fursad u helay in aan tago magaalada Carta. Waxa aan la socday koox ilaa 20 qof ah oo ka qeyb galay shirka.

Carta waa magaalo ku taalla koonfurta bari ee dalka Jabuuti. Marka Jabuuti laga baxo, waxa gawaarida ay ku tagaan qiyaastii 40 daqiiqo. Gaari bas ah ayaan ka raacnay magaalada Jabuuti. Wadada laamiga ah si fiican ayay u dhisneyd. Inta  aan sii soconnay waxa ii muuqday buuro waaweyn iyo dhul adag ilaa aan ka gaarnay Carta.

Waxa aan gaarnay Carta xilli ay qorraxdu sii liiceysay. Darawalkii gaariga waxa uu nagu dejiyay dhul bannaan. Waxa uu inagu yiri halkan waaye goobtii shirweynihii Soomaalida loogu qabtay sanadkii 2000. Waxa ay ahayd barxad weyn oo aan dhisneyn. Ciid ayaa iiga muuqatay dhowr meel, waxaana naloo sheegay in dhawaan laga dhisi doono garoon kubadda cagta lagu ciyaaro.

Waxa aan raadiyay astaan muujineysa in shir muhiim u ahaa taariikhda Soomaalida uu halkan ka qabsoomay, balse waan waayay wax calaamad ah. Kooxda aan isla soconnay oo qaarkood horey u timid waxa ay galayeen sawirro xusuus ah iyaga oo ku sugan barxadda weyn.

Goobtan waxa la ii sheegay in teendho weyn oo ay ku deeqeen Faransiiska ay ka dhisneyd intii uu shirka Soomaalida socday. Waqtiga uu shirkaas dhacay waa aan yaraa aniga waxaana xusuustaa in aan tagi jiray goobo fara-kutiris ah oo ay dadweynaha magaaladu ka daawan jireen shirka muddadii uu socday. Gabar ka safartay magaalada aan joogay ayaa qeyb ka ahayd dadkii shirka ka qeyb galay xilligaas, dadka degmaduna waa ay ku faraxsanaayeen in qof degaankooda ka tegay uu shirka ka qeyb galo.

Carta waxa ay ku taallaa dhul buuraley ah. Aad ayay u qabow badneyd waqtiga aan booqday. Dhismayaal qurux badan ayaa ku yaalla, dadka aan kulannayna waxa ay ahaayeen kuwo soo dhaweyn badan. Nin oday ah oo aan soo salaamay isaga oo meel cunno ku cunaya, waxa uu igu casumay in aan lasoo fariisto ee aan la wadaago cunnada.

Natiijadii kasoo baxday shirka lagu qabtay barxaddaas wax weyn ayay Soomaalidu u ahayd. Waxa ay soo afmeertay sanado badan oo aanay dowladi ka jirin Soomaaliya, waxana guusha ugu weyn ay ahayd in kursigii Soomaalida ku lahayd Qaramada Midoobay iyo ururrada kale ee dowliga ah la buuxiyay.

Balse waxa aanan jecleysan in astaan muujineysa taarikhdaas iyo guushaas uu soo hooyay shirka aanan kusoo arkin Carta. Waxa ay ila tahay in ay fiicnaan lahayd in garoonka kubadda cagta ee laga dhisi doono barxadda weyn ee uu shirka Soomaalida ka dhacay loogu magac daro madaxweynihii lagu doortay halkaas mudane Cabdiqaasin Salaad Xasan ama gudoomiyihii baarlamaanka ee wakhtigaas mudane Cabdalla Deeroow Isaaq. Waxa sidoo kale loo bixin karaa magacyo kale oo muujin kara taariikhda barxaddaasi ku leedahay dowladnimada Soomaaliya.

Waxa ay ii ahayd farxad weyn in aan helo fursad aan ku tago magaalada Carta iyo goobtii shirweynaha Soomaalida lagu qabtay.

Dadka Jabuuti iyo hoggaankoodaba mahadcelin iyo bogaadin ayay naga mudan yihiin. Waxa ay garab u noqdeen Soomaaliya xilli adag oo jahwareer badani jiray ilaa maantana dadaal ayay ugu jiraan dowladnimada Soomaaliya.

Mahad Waasuge

Twitter: @MahadWasuge

Mahad Wasuge

Is a researcher, teacher, podcaster and blogger. His work over the last decade has focused on teaching and researching governance, justice and social services in Somalia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *