MA OGNAHAY DHIBAATOOYINKA HAYSTA CARRUURTEENNA?

Waxa ay ahayd subax Jimco ah. Waxa aan usoconnay aniga iyo saaxiibkey degmada Xamarweyne. Waxa aan taagnaa isgoyska Banaadir. Waxa aan sugayay gawaarida dadweynaha aadda Xamarweyne  siina marta wadada Sayidka si aan dhaqsi ugu ugaaro halkii aan u socday.

Durba waxa aan maqlay dhawaq Kirishbooy, wiil lacagta ka aruuriya rakaabka, ee sheegaya in uu usocdo Xamarweyne islamarkaana maraya halkii aan doonayay. Waxa aan fuulay gaarigii oo hommy (caasi) ahaa. Waa uuna dhaqaaqay waqti kooban kadib.

Mar aan sii soconno meel dhexe ayaan aad u fiiriyay kirishboygii gaariga la socday. Waxa uu ahaa wiil yar, adaab leh, si fiicanna u watay howshiisa.

Aad ayuu u yaraa. Waxa aan ku qiyaasay da’diisa 10 sano jir. Waxa ay igu noqotay layaab. Su’aalo ayaan is weydiinayay oo ay kamid tahay maxaa ku kallifay isaga oo da’daan jira in uu shaqo sidaan oo kale u dhib badan ka shaqeeyo? Sharci ahaan sidee uu canug da’daan ah uga dhex shaqeyn karaa goob ay dowladi ka taliso? Iyo su’aalo kale ee markaas igusoo dhacayay.

Waxa aan isku dayay in aan la hadlo oo aan la sheekeysto. Nasiib wanaag mar uu lacagihii uruursanayay ayuu isoo ag fadhiistay. Waxa aan ku bilaabay in aan la sheekeysto. Sheekadan ayaana na dhex martay:

Mahad: yariisoow iskuul ma dhigataa?

Wiilka: maya, waligeey ma ley geynin.

Mahad: Dugsi quraan ma dhigatay?

Wiilka: haa waan dhigtay laakiin hadda ma dhigto.

Mahad: Aabe iyo hooyo ma noolyihiin?

Wiilka: Hooyo weey dhimatay, aabana reer kale ayuu leeyahay.

Mahad: Adiga marka yaad la nooshahay?

Wiilka: Ayeeyo ayaan hadda la noolahay. Abooto koris ayaan ahay.

Mahad: Ayeeyo waxbarasho maxay kuu geyn weysay? Waxa aan ku fikirayay in lacagtii ay ku yartahay qoyska laakiin haddii lacagaha iskuulka laga debero uu wax baran karo.

Wiilka: Ayeeyo way xanuunsantahay anigana waxa aan ku qasbanaaday in aan reerkii usoo shaqeeyo oo aan wixii la cuni lahaa keeno.

Waxa ay aheyd mid aad ii xanuunjisay. Aadaabta canuga, da’diisa, shaqada uu hayo, iyo niyaddiisa marka aan wada qiimeeyay waxa ay igu aheyd xaalad adag iyo dareen xanuun badan.

Sheekadii oo halkaas inoo mareyso gaarigii ayaa gaaray halkii aan ku dagi lahaa. Waxa markii aan ka degay gaariga la hadlay darawalkii oo aan  rabay in aan u sheego in uu canugan si fiican u ogaado.

Waxa aan ku dhahay darawalkii gaariga, “darawaloow canugaan kula shaqeeya waa canug aad u yar ee si fiican u ogow”.

Darawalkii ayaa waxa uu igusii dhahay, “canugaan waan ogaanaa insha allaah, maanta ayuu jidka aniga oo soo maraayo waxa uu igu dhahay darawal aan kula shaqeysto waxa aan rabaa shaqo!”

Naxdintii ayaa igusii korortay. Waxa aan weydiiyay in uu canuga number leeyahay lagala soo xariiri karo. Waxa uuna darawalka ii sheegay in aanu hadda wadanin islamarkaana garan karin number guriga uu deganyahay laga leyahay.

Intaas kadib wixii aan sameyn karay oo wanaag ah ayaan u sameeyay. Dareenkeyga aad ayuu isku beddelay. Wiilkii ila socday ayaa igu yiri dhibaatadan ayaa ka jirta dalka oo xilligii hore waxa la heli jiray xarumo agoonta iyo carruurta aan heysan hooy lagu heyn jiray laakiin maanta ma jirto.

Waa dhab in ay maanta jiraan tiro kale oo aad u badan ee kunool Muqdisho iyo daafaheeda dhibaatadaas iyo ka sii  badanna heystato. waxa jira kuwa koollada dhuuqa oo isgoysyada taagan. Waxa kaloo jira kuwa kale oo derbi jiif ah maalintiina caseeye ah, maqaayadahana reereebka ka cuna!

Aaway ciddii masuulka ka aheyd? Yaa laga rabaa in ay carruurtaas siiyaan xuquuqdii aasaasiga aheyd oo ay lahaayeen?

Aniga waxa ay ila tahay in haddii ay xitaa dhinteen waalidiintoodii in aanay qaraabadii kale ee maareyn kartay iyo deriskii ogaa xaaladdooda in aanay dib u eegin carruurtaas kana fikirin mustaqbalkooda danbe. Dowladdii u dhaaratay in ay bulshada u adeegtana aanay warba ka heynin dhibaatooyinkaasi jira oo ay dhexdeedii isku mashquushay. Dadkii intiisa badanna aanu xitaa ku fikirsaneyn in ay caawiyaan dadka noocaasi oo kale ah ee ubaahan caawinaad degdeg ah.

Wax kale oo aan iraahdo ma garanaayo. Intii uu Allaah hanti, garaad iyo iimaan siiyay haddii ay la kulmaan carruurtaas oo kale wixii ay tari karaan ha taraano. Waxa aana Allaah uga baryaa in uu carruurtaas waayay tarbiyadii waalidka, xuquuqdii waxbarasho iyo daryeelkii asaasiga ahaa in uu dhibaatada ka qaado ee uu kasiiyo risaqooda iyo waxbarashadooda meel aanay ka filaneyn.

Mahad Wasuge

Is a researcher, teacher, podcaster and blogger. His work over the last decade has focused on teaching and researching governance, justice and social services in Somalia.

One Response

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *