
Hadaljeedin: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2025
Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, ayaa ka qeyb galay madal lagu gorfeeyay ka qeybgalka bulshada ee qorsheynta miisaaniyadda dalka oo ay soo qaban-qaabiyeen Madasha Muqdisho iyo Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee SONSA.
Waxa uu madasha ka jeediyay nuxurka warbixin ay Somali Public Agenda ku gorfeysay miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2025 oo la daabacay bishii May ee sanadkan.