
Xarumihii waxbarashada Soomaaliya oo ay ka mid ahayd maktabaddii qaranka waa la burburiyey kadib markii xukunka laga tuuray dowladdii militariga sanadkii 1991-dii. Sanado badan oo burbur, dowlad la’aan, sharci la’aan, iyo dagaalo dabadheeraadey ah ayaa xigay. Xaaladda waxa ay ahayd mid aad u adag suurtagalna ma ahayn in ay maskaxda kusoo dhacaan maktabad iyo buugaag.
Jiilkeyga ma arkin dowlad shaqeynaysa mana ay booqanin goobo cilmiyeed iyo kuwa wax akhris. Balse qaar badan oo ka mid ah jiilkeenna waxaa nasiib ugu filnaa in ay dhigtaan iskuullo hoose, dhexe iyo ilaa sare ah oo laga furay dalka burburkii kadib kuwaasoo caawinaad ka helaayey ururo samafal ka shaqeeya dunida Muslimka iyo dalalka Carabta.
Xaaladdeena waxa ay aheyd mid aad uga duwan kuwa nala midka ah ee jooga waddamada nabadda iyo xasiloonida ay ka jirto, laakiin in badan oo naga mid ah waxa ay u dhabar adeegeen waxbarashada si ay mustaqbalkooda u ifiyaan.
Maktabaddii ugu horeysay ee aan booqdo waxa ay ahayd mid uu magaalada Beledweyne ka aasaasay qurbejoog kusoo laabtay dalka. Waxaan ahaa arday dhigta dugsiga sare. Maktabadda Waxaa laga helayey buugaag ay ardayda akhristaan. Waxaan maktabadda booqan jirey maalinta Khamiista si aan wax ugasoo akhristo. Waxa ay lahayd goobo wax akhris, xafiis, iyo shaqaale. Maktabaddu waxa ay siineysay akhristayaasha qalimaan iyo warqado ay isticmaali karaan gaar ahaan kuwa aanan wadan buugaag ay wax ku qortaan.
Markii aan Muqdisho imid islamarkaana bilaabay waxbarashadii jaamacadda, waxa aan magaaladii ka waayey maktabad. Helitaanka buugaag aan akhristo ayaa igu noqotay caqabad inkastoo Muqdisho ay tahay caasimadda iyo magaalada ugu dadka badan dalka. Buugaagta jaamacadda oo kaliya ayaan akhrisan jiray. Waxaan sidoo kale saaxiibbadeyda weydiisan jiray in ay I amaahiyaan buugaag aan soo akhristo. Waxaan jeclaa in aan wax akhriyo waxa aana ku riyoon jiray in aan yeesho maktabad ii gaar ah mustaqbalka.
Carwadii Buugaagta Muqdisho waxa la bilaabay sannadkii 2015; waana isla sanadka aan aasaasay maktabaddeyda. Bilowgii 2015-kii, buugaagta ugu badan ee yaallay maktabadda waxa ay ahaayeen buugaagta jaamacadda. Carwada ayaa isku keentay qoraayaal, akhristayaal, iyo daabacayaal buugaag. Boqollaal buug ayaa lagusoo bandhigey. Waxa ay aheyd markii ugu horeyay ee aan fursad weyn u helo in aan iibsado buugaag muhiim ah. Waxaan Carwadda u qoondeeyay lacag yar, tobaneeyo buugaag ah ayaana kusoo biirtay maktabaddeyda sannadkaas.
Afartii sanno ee Carwadda Buugaagta Muqdisho lagu qabtay magaalada Muqdisho, buugaag cusub ayaa maktabaddeyda kusoo kordheysay. Sanadkaan waxaan fursad u helay inaan soo iibsado siddeed buug oo ay ku jiraan buugga Making Sense Of Somali History ee uu qoray Dr. Cabdiraxamaan Baadiyoow; buugga Mogadishu Memoir ee uu qoray Xasan Abuukar; buugga War and Conflict in Africa ee uu qoray Paul D. Williams; iyo waliba buugga Why Nations Fail oo ay wada qoreen Daron Acemoglu iyo James Robinson. Midda kale oo muhiimka ah ee aan suurtagalka ahaan laheyn Carwadda Buugaagta Muqdisho la’aanteed ayaa ah in ay qoraayaal badan ii saxiixeen buugaagtii ay qoreen oo aan Carwada ka iibsaday.
Sidoo kale Carwadda Buugaagta Muqdisho ayaa ah meesha ugu weyn ee aan ka helo buugaagta laga qoray Soomaaliya. Waxa aan xiiseyaa in aan wax badan ka akhriyo taariikhda, dowladnimada, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Soomaaliya. Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa ah meesha ugu muhiimsan ee aan ka helo buugaagta laga qoray Soomaaliya. Muddo afar sanno gudahood ah kudhawaad 40 buug oo aan ka iibsadey Carwada Buugaagta Muqdisho ayaa kubiiray maktabadeyda yar balse koreysa. Akhrinta buugaagtan waxa ay kobcisay maskaxdeyda. Ardayda Jaamacadaha ayaa hadda bilaabay in ay iga amaahsadaan buugaag si ay u akhriyaan, waana fursan aanan helin aniga markii aan ardayga ahaa.
Barnaamijyada noocan oo kale ah ayaa ah kuwa ay dhalinyarada Soomaaliyeed sannado badan sugayeen. Dadka aniga ila midka ahna oo dadaal badan ku bixiyey sidii ay u heli lahaayeen buugaag ay akhriyaan waxa ay Carwada Buugaagta Muqdisho u tahay mid kamid ah munaasabadaha ugu muhiimsan sanadka.
Carwadda buugaagta Muqdishu waxa ay dad badan u tahay fursad ay isku bartaan, kula kulmaan aqoonyahanno, ka helaan dhiiragalin, ama ay kusoo bandhigaan buugaag. Balse aniga iyo maktabaddeyda waxa ay inoo tahay munaasabad dahabi ah oo aan ku helno buugaag.
Mahad Waasuge
Is a researcher, teacher, podcaster and blogger. His work over the last decade has focused on teaching and researching governance, justice and social services in Somalia.
One Response
Ustaad dhiiri gelintaada wngsn allow iga dhig mod kaga daydo wnga